|

DHAGEYSO: Goobaha Ganacsiga Magaalada Baledweyne oo weli xiran iyo Sababta keentay…

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in maalintii labaad ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga Magaaladaasi.

Dadka ku sugan Magaalada ayaa saakay Warbaahinnta u sheegay in ay dhibaato xooggan ay soo wajahday Maadaama ay wali xiran yihiin goobaha Ganacsiga ee Magaalada.

Sicir Barar ayaa ka jira Magaalada waxaana maamulka gobolka Hiiraan soo wajahay jahwareer ku aadan sida arintaasi loo wajahaayo.

HALKAAN  KA DHAGEYSO

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xiray goobaha Ganacsiga Magaalada Baledweyne, iyadoona wararka qaarkood ay sheegayaan in Al-Shabaab degaanada gobolka Hiiraan ay ka maamulaan ay ku Amreen dadka in aysan isticmaali karin lacagta Shillin Soomaaliga.

Amarkan ayaa la sheegay in uu sababay in Magaalada la soo galiyo Shilin Soomaali aad u fara badan oo laga keenay degmooyinka gobolka Hiiraan.

Wararka hadda naga soo gaaraya Magaalada ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka gobolka Hiiraan uu bilaabay in xoog lagu furo dukaamada cidii diidana tilaabo laga qaado

Leave a Reply








120x600 ad code [Inner pages]




 




 




300x250 ad code [Inner pages]