|

DHAGEYSO: Maleeshiyaadka Galmudug oo weerar Gaadma ku Qaaday Degmada Saaxo oo ka tirsan Puntland…

Maamulka degmada Saaxo ee gobalka Mudug ayaa daaha ka rogay in ay ciidamo katirsan Galmudug weerar ku soo qaadeen deegaanadaas, isla markasna uu geysta dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay labada dhinac.

 

RIIX OO HALKAAN KA DHAGEYSO

Gudoomiyaha degmada Saaxo ee dawladda Puntland Jamarti Yuusuf Ibraahim ayaa u sheegay warbaahinta gudaha, in dagaal ay ku soo qaadeen Galmudug.

Mr, Jamarti ayaa sheegay in ay dadka deegaanku iska difaaceen weerarkaas, wuxuuna cadeeyey in ay hadda wali cabsi dagaal laga qabo goobahan.

Khasaaraha uu geystay ayuu sheegay in ay labada dhinacba kala gaareen dhimasho iyo dhaawacba, walina Galmudug kama aysan hadlin xaqiiqada wararkan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug ay weeraradaas ka dambeeyeen, sidaas oo kalena ay jiraan kuwa kale oo cabsi laga qabi karro.

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]