|

DHEGAYSO: Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante oo Sheegay Inuu aad u ooyay, asagoo si weyn loogusoo dhoweeyay Garowe kuna dhowaaqay go’aankii ugu cuslaa…

Magaalada Garowe ee Caasumada Dowladda Puntland ayaa maanta waxaa  logu soo dhaweeyay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed .

Soo dhaweynta Waftigaasi waxaa ka qayb qaatay ,Wasiir,Xildhibaano,Waxgarad,Aqoonyahano iyo qaar kamid ah bulshada rayidka ah ee Gobolka Nugaal.

Soo dhaweyn kadib wafdiga ayaa waxaa loo soo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Garaadka iyo Cuqaashi la socatay Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay

Madaxweyne Camey aayaa yiri ‘’Farxad iyo Rayn Rayn weyn ayay noo tahay ka Puntland ahaan ka shacab ahaanba inaanu soo dhaweyno Maanta Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Cuqaasha la socotay ‘’Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

RIIX OO HALKAAN KA DHAGEYSO 

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in Xuuumada iyo Shacabka Puntland uu uga mahadcelinayo soo dhaweyntii Balaarneyd ee ay ugu sameeyen Magaalada Garoowe.

‘’Dadkii Riwaayad baa loo dhisay been baa lagaliyay maamulo aan jirin oo soconaya ayaa loo sheegay Dadkii bur burkaasa ku dhacay ‘’Sidaasi waxaa yiri Garaad Saleebaan Garaad Maxamed .

‘’Diyaarad Koonfur katimi oo iska Guuxaysa oo gudaysa baa dadkii bur burisay  si loo qabtaa lagaran waayay waxbaa lagu qafilay Mushaakil badan ayaa jira ‘’Ayuu hadalkiisa raaciyay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

Garaad ayaa soo dhowayn kadib ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Soomaliland.

 

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]